Goolhaye Thibaut Courtois Oo Shaaciyay Faa’idda Ugu Wayn Uu Ee Ku Qabo Dhirarkiisa

Thibaut Courtois ayaa wuxuu ku faanay in dhirarkiisa faa’idda ugu wayn ee uu u qabo inay tahay inuu ku gaaro meel aysan ku gaari kariin Shabaq-ilaaliyaasha kale ee isaga lamidka ah.

Laacibkaan udhashay dalka Belgium ayaa wuxuu kusoo biiray Real Madrid maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Qaaradda Yurub, gaara ahaan horyaalka EPL-ka.

Thibaut Courtois oo ku guuleystay Biladda Goolhayihii ugu wacnaa koobka aduunka 2018 ayaa lagu inuu noqdo dookha koowaad ee maamulaha naadiga Los Blancos, uuna kala baxo Keylor Navas.

“Waxaan ahay Goolhaye aad u xasiloon, aad ugu kalsoon kubadaha hawada ku jira, aadna ugu wanaagsan bixintooda,” ayuu u sheegay warbaahinta ku hadasha afka Real Madrid.

“Mararka qaarkood, iyada oo loo eegayo dhirirkeyga waxaan gaari karaan meel aysan gaari karin Shabaq-illaaliyaasha kale.

“Waxaan leeyahay Khibrad badan, waxaana soo dheelay tartamo badan, marka aad kusoo guuleysatay koobab, waxaad ubaahan guuleystayaal ku jira kooxda, waxaana filayaa inay jirto wax yar shalay ah.

“Waxaan halkaan u imaaday inaan caawiyo kooxda, waana wax fudud midaas, waana ku kalsoonahay inaan shaqadeyda qaban doono,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Goolhayaha Los Blancos ee Thibaut Courtois.