Goolhayihii hore ee xulka Qaran oo lagu dilay degmada Afgooye

Goolhayihii hore ee xulka Soomaaliga Cabdi Weli Colaad Qanyare oo ku magacdheeraa Gaatamow ayaa  la dilay isagoo ku jira masaajid ku yaala magaalada Afgooye.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen Gaatamow isagoo tukanayay salaadii taraawiixda, waxayna wararka sheegayaan in kooxdii dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Sida ay sheegtay shabakada Jowhar.com Allaha u naxariistee Gaatamow ayaa howlo isboorti ka waday magaalada Afgooye isagoo dhawaan noqday gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee Afgooye.

Marxuumka waxa uu u soo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya halka uu sidoo kale u soo dheelay kooxo kala duwan oo ay ka mid aheyd kooxdii Banaadir Telecom.

Allaha u naxariistee goolhaye Gaatamow ayaa soo saaray ciyaartoy kala duwan mudadii uu ku jiray howlaha isboorti isagoo ka qeyb qaadanayay horumarinta isboortiga dalka.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com