Goolkii Anthony Martial ee kulankii Newcastle in uu Manchester United ugu fadhiyey £7.7MILLION Ogow sababta

Weeraryahanka xulka  France ee Anthony Martial ayaa dhaliyey Goolkii soo laabashada loogu magac daray ee kulankii Newcastle United ee Todobaadkaan xiligaas oo lagu lahaa kooxdiisa 2 Gool balse Goolkaas qiime aan macquul ahayn ayuu ugu Fariistay kooxda man  United.

Goolka uu dhaliyey Anthony Martial  ee Cayaartii Newcastle waxa uu Manchester United ugu fariistay aduun lacageed gaaraya £7.7MILLION lacagtaas oo ay heshay kooxda Monaco maadaama ay heshiis hore wada gaareen gaar ahaan xiligii uu ku soo biirayey Manchester United.

Anthony Martial ayaa Manchester United ku soo iibsatay lacag dhan £38.5m waxaase lasocdey shuruudo kala duwan oo Naadiga Monaco ay ku helayaan lacago kale oo dheeri ah waxaana Goolkii Todobaadkaan uu jabiyey mid ka mid ah shuruudahaas oo ahayd in hadii uu dhaliyo 25 Gool ay heli doonto Monaco lacag dhan £7.7MILLION.

Guud ahaan Marka laysku dar daro lacagaha ay bixisey Manchester united bilaawgii heshiiskaan oo dhacay 2015 macal lacagaha shuruudaha kujira waxay Gaareysaa £61.6m.lacagtaas oo ah tan rasmiga ah ee ay ku kala iibsadeen