Goolkiisii 1aad Ee Barca, Xiriirka Kala Dhaxeeya Valverde & Yerry Mina Oo Wax Badan Ka Waramay

Daafaca Barcelona, ee Yerry Mina kaasoo xalay dhaliyay goolkiisii koowaad ee Barcelona, ciyaartii ay Rigoorayaasha uga soo qaadeen tartanka Catalan Super Cup-ka, ayaa sheegay inuu aad ugu farax-san yahay, uuna rajaynayo inuu sii wado gool dhalinta.

Laacibkaan dalka Colombia udhashay ayaa wuxuu waxyaabaha ciyaarta kadib uga waramay wariyaasha kadib xiriirka kala dhaxeeya macalin Ernesto Valverde, islamarkaana wuxuu cod dheer ku sheegay inay wada yeelin mid wanaagsan.

“Inaga iyo Valverde, waxaa naga dhaxeeya xiriir wanaagsan, waxaana maalin walba nahay kuwa isla xiriira,” ayuu Mina, usheegay war-fidiyeenka.

“Guusha aan gaarnay iyo goolkii Rigoorada ee aan dhaliyay waxay iisneysaa wax badan oo dhiiro gelin, waana inaan sii wadaan.

“Guusha iyo koobka aan qaadnay waxay noo tahay wax weyn, maxaa yeelay waxaan ka qaadnay koox uu loolan badan naga dhaxeeyo,” ayuu raaciyay

Mar wax laga weydiiyay nolasha Gobolka Catalonia, ayuusan ka xishoon xidigaan inuu ka jawaabo: “Waa mid wanaagsan, waxaana sugayaa fursadeyda.

Sikastaba, laacibkaan ayaa wuxuu Barcelona ku yimid fasal ciyaareedkan, gaara ahaan Suuqii Janaayo aduun lacageed dhan 11 Milyan oo Yuuroo, waxaana tan iyo waligaas uu ahaa mid garoonka usoo galay Barca kulamo kooban.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com