Goormaa ayee Manchester United iyo Bayren Munich ku heshiiyen Kulanka Saaxiibtinimo & waqtiga la dhelaayo

Kooxaha Manchester United iyo Bayren Munich ayaa ku heshiiyey in ay dheelaan kulan Saaxiibtinimo kulankaas oo sida ay ku heshiiyeen in uu dhaco 5 ta bisha Augusta

Labadaan kooxood oo ka mid ah kooxaha ugu faca weyn una  Taageerada badan qaarada yurub ayaa Cayaar Saaxiibtinimo waxaana uu Noqon doonaa mid ay ugu diyaar garoobayaan Horyaalada dalalka England iyo Jarmalka.

Manchester United ayaa horay u shaacisay in ay Kulamo Saaxiibtinimo la Cayaari doonaan naadiyaasha  kala ah Club America, San Jose Earthquakes, AC Milan, Liverpool iyo Real Madrid dhamaan Kooxahaas oo ay doonayaan in ay isku tijaabiyaan inta uusan bilaaban Horyaalka dalka England.