Goormaa La Ciyaari Doono Kulankii West Ham & Man City Ee La Baajiay

Xiriirka horyaalka Premier League ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay wakhtiga cusub ee ay Man City iyo West Ham ciyaari doonaan kulankii Premier League ahaa ee la baajiyay Arbacadii.

Kulanka ayaa ka tirsanaa todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League laakiin waxa la baajiyay kulanka sabab la xaga jawiga oo xumaa darteed.

Xiriirka Premier Leageu ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijiyay in kulanka la ciyaari doono 19 bisha February ee bishan taas oo la macno ah in ay labada kooxood soo afjari doonaan fasaxooda.

Maamulka horyaalka Premier League ayaa waayay wakhti munaasib ah oo ay u dooraan labada kooxood marka loo eego in ay Man City ciyaari doonto Champions League iyo waliba Finalka Carabao cup-ka wakhtiga soo socda.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com