Goorta Ay Man City EPL Hanan Karto, Kooxaha CL & Europa League Usoo Bixi Kara Iyo Kuwa Dhici

Inkastoo, kooxda Manchester City, ay tahay kooxda ugu cad-cad inay ku guuleysan karto horyaalka Premier League, hadana waxaa jira su’aalo kale, kuwaasoo laga yaabo in akhristayaasheena ay kamid yihiin kuwa su’aalahaas si weydiinaya.

Hadaba, waxaan isku deyi doonan inaan idinka ha-qabtirno – Su’aalaha laga yaabo ina is-weydiineysaa ayaa waxaa kamid ah – Kooxaha heerka labaad aadi kara – Kuwa Champions League iyo Europa League kasoo qeyb ga kara.

Hanashadda Premier League

Mancheter City, ayaa horyaalka u dabaaldegi karta 7-da bisha April, markaasoo ay ka horjeedaan Manchester United.

Si ay usameeyeen waxay ubaahan yihiin ka hor inay garaacaan Everton, oo ay la dheelayaan ka hor inta aysan la ciyaarin Man United oo kaalinta labaad fadhisa.

Vincent Kompany, kabtanka Sky Blues oo rajo fiican ka qada inay horyaalka qaadi karaan kulanka Red Devils ayaa yiri: “Inaan ku guuleysano EPL waxay dhacdaa nolasha oo dhan hal jeer, inago dheelnay kulanka Darbiga ah.

Pep Guardiola, macalinka Man City ayaa isana wuxuu yiri: “Inaan farqi badan ku hayno waa caadi waxayna soo bilaabatay bishii Maarso, laakiin waxaa muhiim ah in wali aanan horyaalka qaadin, waana in aanan lumin is-xoojinteena.

Man City, ayaa hada ka horeysa 20 dhibcood, marka laga hadlo shaxda kala horeynta ee horyaalka Premier League, ee wadanka Ingiriiska.

Kooxaha Champions League iyo Europa League usoo bixi kara

Man United iyo Liverpool waxay umuuqaan kuwa usoo baxay Champions League, marka laga shidaal qaato inay Labaad iyo saddexaad ay fadhiyaan.

Laakiin, Tottenham oo leh 61 dhibcood iyo Chelsea oo leh 58 dhibcood ayaa dagaalami doona, wuxuuna noqon doonaa mid ilaa iyo dhamaadka aan kala cadaan doonin.

Arsenal, ayaa waxay tahay mid iyada Europa League u dagaalami karta, hadii aysan dhicin inay ku guuleysto Europa League, oo ay Champions League, si toos ah uga soo qeyb gali karto.

Kaalinta Todobaad

Kooxda kaalintaan soo gasha waxay si toos ah ay uga soo qeyb gali kartaa Europa League, laakiin waxaa hadii midkood United ama Chelsea ay qaado FC Cup, markaasoo Burnley, Leicester iyo Everton ay ku dagaalami karaan.

Kooxaha dhici kara

West Brom ayaa qarka u saaran inay dhacdo, laakiin waxay haystaa fursad ay usoo bixi karto, maxaa yeelay Sideed koox oo kala duwan ayaa ku dhow-dhow.

Stoke oo leh 27 dhibcood iyo waliba Southampton oo leh 28 dhibcood ayaa waxay ku jiraan Xeen-daabka looga dhoco horyaalka, iyagoona kusoo dhow-dahay West Ham – Sidoo kale Crystal Palace, Huddersfield, Swansea, Newcastle iyo Brighton, ayaa lamid ah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com