Griezmann Oo Afka Furtay Go’aan Cadna Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Atletico Madrid – Miyuu Tagayaa Mise?

Tababare Diego Simeone ayaa si buuxda u sare kiciyay kooxda kubada cagta ee Atletico Madrid, waxaana uu horumariyay laacibka lagu magacaabo Antoine Griezmann, ka ciyaaryahan ahaan, wax walbana waa uu qirtay.

Xiddiga reer France ayaa amaanay macalinka reer Argentine, waxaana xitaa la barbardhigay guulihii uu ku gaaray caasimadda Spain, Sir Alex Ferguson ee Manchester.

“Waxa uu Simeone uga shaqeynayo kooxda waa taariikh,” Griezmann ayaa sidaasi u sheegay wareysi uu siiyay UEFA.

“Waa wax la mid ah waxa Ferguson uu sameeyay Manchester United, waxaana rajeynayaa inuu koobab ku guuleysan doono islamarkaana uu kooxda u qaadanayo heerka ugu sarreeya sababtoo ah waa uu u qalmaa.

“Waxaan rajeynayaa inuu taariikh u sameyn doono kooxda, sababtoo ah, wuu ku mahadsanahay, waan joogaynaa.

“Waxaad wax badan ka baraneysaa Simeone.

“Waa tabaraha ugu fiican ee aduunka dhanka Falsafada iyo Daafaca, waxaana uu ku soo bandhigayaa sanadkaan, sanadka soo socda.

“Waa farxad inaan isaga la shaqeeyo.

“Waxa uu qeexayaa daciifnimada ciyaaryahan kasta wuxuuna isku deyayaa inuu horumariyo, islamarkaana uu ka dhigo ciyaaryahan dhameystiran.

“Waxa uu iga caawiyay inaan kor ugu kaco heerka shaqsiyeed iyo xirfadeed.

“Wuxuu mar walba codsanayaa waxa ugu fiican ee aan ku finaan karto, waxaana mar walba halkaan u joogi doonaa si aan u caawiyo isaga iyo inaan ku guuleysto ciyaaraha,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay laacibkaan reer France.