Griezmann Oo Saharaxay Qaabka Uu Messi Sabab Ugu Ahaa Inuu Iska Diido Ku Biirista Barcelona

Antoine Griezmann ayaa iska diiday bishii Janaayo ku biiritaanka naadiga Barcelona, xili uu fahfaahin ka bixiyay.

Wararka ayaa soo jeedinaya in Lionel Messi uu ahaa xidigii sababta u ahaa inaanu laacibkaan reer France ka deign Bluagrana.

Gooldhaliyaha Atletico Madrid ayaa xaqiijiyay arrinkaasi, isaga oo xusay inuu diiday ka hoos ciyaaritaanka Messi.

“Miyaan aniga udiiday xaqiiqda ah sida uu Messi uciyaarsiiyay Neymar, iyo hadda oo ah Coutinho iyo Suarez?” ayuu Griezmann.

“Haa, waa laga yaabaa, waa wax iska cad in saameynta Messi ay u tahay sabab, laakiin waxaan sheegayaa in saaxiibadeyda kooxda jira ay sidoo kale awood uyesheen inaan aniga sii joogo.

“Iyagu waxay rabaan inaan ka dhigto gurigeyga, waxay sarre u qaadeen mushaarkeyga, waxay sameeyeen mashruuc ciyaaro oo aan jeclaan ka helay, waxay sameeyeen wax kasta.

“Aniga waan ogahay inaan ku kori karo koxoda, waana kooxda iga saaciday inaan koro,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii, wuxuu si cad daboolka uga qaaday in Diego Simeone uu si lamid ah qayb ka ahaa saameyntii keentay inuu baaqi kusii ahaado qalcadda ay ku dheesho Atletico Madrid, oo dib udhis balaaran uu ku socdo.