Griezmann Oo Sharaxay Sababta Uu U Doonayo In La Go’aamiyo Mustaqbalkiisa Ka Hor Koobka Aduunka

Weerar yahanka kooxda kubada cagta Athletico Madrid iyo wadanka Faransiiska wiilka lagu magacaabo Antione Griezmann, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in ka hor koobka aduunka ee 2018, oo Ruushka ka dhacayo uu rabo in la go’aamiyo masiirkiisa.

Laacibkaan ayaa waxaa si weyn loola xiriirinayaa kooxo waa weyn oo ay liijaanka uhayso Barcelona, inkastoo ay jiraan kuwa kale oo ka dhhisan wadanka Ingiriiska sida, Manchester United, Chelsea iyo kuwa kale, hadana Barca ayaa ugu cad-cad.

Warar ayaa sheegaya in Griezmann, uu heshiis shaqsi ah la garaaray Barcelona, islamarkaana Lamberka 7aad meel loo dhigay hadana kooxdiisa ayaa warkaas garabka ku dhufatay, iyagoona ku tilmaamtay warar aan sal iyo baar toona lahayn.

“Waxaan rabaa inaan aado Ruushka anigoo maskaxdayda ay nadiif tahay, ka hor koobka aduunka aan go’aamiyo mustaqbalkayga,” ayuu ku sheegay xidigaan lugta bidix ku dheela, wareysi uu siiyay Majaladda L’Equipe, ee France kasoo baxda

“Waxaan umaleynayaa in taasi ay tahay wax uu qof walba doonayo, sidaas darteeda Walaasheyda xitaa waxay iga dalbata midaas, anna waxaan doonayaa inaan ku dhaqaaqo arrintaas,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Mar la su’aalay sababta uu sidaas u doonayo ayuu ku sheegay in uusan marnaba diyaar u ahayn in mararka uu saxaafada soo hor-fariisanayo inta uu koobka aduunka socdo wax aan laga weydiin msutaqbalkiisa iyo wararka xanta ah ee isaga ku saabsan.

Sikastaba, laacibkaan ayaa heshiiska uu Athletico Madrid, kula jiro waqti xaadirkaan wuxuu dhacayaa sanadka 2022, tani ayaana keentay in kooxdiisa ay walwal badan ka muujiso mustaqbalkiisa, maadaama uu soo dhow-yahay dhicitaankiisa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com