Guardiola Oo Aaminsan In Leo Uu Oo Qof Walba Ka Dhigi Karo Mid Fiican [Ogow Sababta]

Tababaraha kooxda kubada cagta Manchester City, ninka lagu magacaabo Pep Guardiola, ayaa sheegay in Lionel Messi uu yahay mid awood u leh inuu qof walba ka dhigi mid wanaagsan, inta uu aktiisa joogo

Ma ahan markii ugu horeysay oo la arko iyadoo hogaamiyihii hore ee kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich, waxaana uu mar walba yahay mid soo bandhigay tix-gelin iyo qirsanaantiisa xidiga Lamberka 10-aad Barca uwata.

Sikastaba, Lionel Messi, ayaa wuxuu todobaadkan uu qabsaday warbaahinta kadib markii uu ku dhaliyay Sadex gool oo Laad xur ah, Saddex kulan oo xiriir ah, kuwaasoo uu garoonka usoo galay Bluagrana.

“Waxaan dareemayaa aragtida ah in [Messi] uu hagaajiyay tababare kasta oo uu ku guuleystay,” ayuu Guardiola usheegay Directv Sport.

“Wuxuu leeyahay karti, awood iyo wax walba, kaasoo uu qof walba oo agagaarikiisa jooga uu kaga dhigi karo mid wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba  gabeeyay, macalinka Hogaamiyaasha Premier League.

Pep Guardiola iyo Lionel Messi, ayaa wax badan kasoo wada shaqeeyay Barcelona, waxayna isla soo qaateen waqtiyo qurux badan, iyadoona dad qaar ay aaminsan yihiin in Pep uu ahaa midka soo saaray Leo.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com