Guardiola Oo Cadeeyay Inuu Daawan Doono Kulanka Adag Ee Man Utd vs Liverpool + Sababta

Liverpool ayaa waxay booqan doontaa dhigeeda Manchester United ciyaar ka tirsan Premier League, taasoo Berri oo Sabti ah ka dhici doonta garoonka Old Trafford, ee ku yaala Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Ciyaartaan ayaa waxaa lagu sheegayaa inay tahay mida go’aan karta kooxda kaalinta labaad ee shaxda kala horeynta EPL-ka, uga dhameysan doonta, maxaa yeelay labada koox hada waxay ku kala jiraan labaad iyo saddexaad.

Manchester City ayaa waxay tahay mida hada kaalinta koowaad Jiifta iyadoona leh 78 dhicood, halka Man United, oo fadhisa labaad ay ka sareyso 16 dhibcood maadaama ay 60 Buundo ay shaqeysatay.

Pep Guardiola, macalinka Man City, oo la hadlayay warbaahinta ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in kulanka Man United iyo Liverpool. uu daawan doono, islamarkaana sababtu ay tahay inuu yahay kulan weyn.

“United-Liverpool [kulankooda] waa darbi weyn, waana classic-ga England, waana mid kamid ah ciyaaraha ugu xiisaa badan ilaa iyo hada,” ayuu macalinkii hore ee kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich yiri.

“Fogaanka [kala sareynta EPL] waa mid caadi ah, waana wax aan aniga ugu dhawaad aan sameynay, laakiin ma nihin kuwa champion-ka ah – Chelsea ayaa wali ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray hogaamiyaha Sky Blues.

“Waa inaan ku helnaa dhibcooyinka sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, tababare Pep Guardiola, kaasoo kamid ah, kuwa aduunka ugu fiican una dhashay dalka Spain, balse Catalonia sheegta.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com