Guardiola Oo Hal Arin Oo Cajiib Ah Ugu Baaqay Macalimiinta Xulalka Si Uu Xiiso U Yeesho Koobka Aduunka

Koobka aduunka ee 2018, kaasoo sanadkaan uu marti gelinayo wadanka Qabowga badan ee Ruushka ayaa waxaa ka harsan inuu bilowdo wax ka yar 100 maalmood, taasoo ka dhigan inay ka harsann tahay Labo bilood iyo bar.

Tartankaan waa midka ugu weyn ee dhacdo walba oo kubada cagta ku saabsan, waxaana xul walba uu yahay mid si weyn iskugu diyaarinayay inuu Darajo fiican ka gaaro, waxaana ka qeybgalaya in ka badan 30 xulal ama wadar guut oo ah 32 dal.

Darajada ugu sareysa ee uu wadan walba tiiksanayo ayaa waxay tahay inuu ku guuleysto koobkaan halka kuwa kale ay hiigsanayaa inay gaaraan Final, waxaase jira kuwa ku qanacsan inay gaaraan wareeyadda kala duwan ee tartankaan.

Hadaba, si uu xiiso badan uyeesho tartanka inta uu socdo waxaa looga baahan yahay macalimiinta dalalka hogaamineysa inay ku dheelaan shax weerar ah, sida uu soo jeediyay tababaraha Man City, ee Pep Guardiola.

“Macalimiinta dalalka caalamka ee ka qeybgalaysa koobka aduunka, waxaa looga baahan yahay inay ku dhiiradaan inay dheelaan shax ciyaareed weerar ah,” ayuu Pep Guardiola usheegay warbaahinta mar wax laga weydiiyay Koobka aduunka.

Isagoo sharaxaad dheeri ah ka bixinaya ayuu sii daba dhigay: “Maxaa yeelay, waxaan dooneynaa inaan u raaxeysanayo daawashada ciyaaraha, marka waxaan ugu baaqi lahaa hadii talo soojin ley dhihi lahaa midaas oo kaliya.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com