Guardiola Oo Jurgen Klopp Ku Garaacay Abaal Marinta Macalinka Sanadka Ee Premier League

Macalinka Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ku guulaystay macalinkii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa horyaalka Premier league

Ururka tababarayaasha horyaalka Premier League ee LMA ayaa u magacaabay tababarihii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii dhamaadka ee Premier League macalinka Manchester City Pep Guardiola.

48 jirkaan ayaa abaalmarintaan ku guuleystay sannadkii labaad oo isku xigta ka dib markii ay kooxdiisa ka difaacatay horyaalka Premier League kooxda Liverpool.

Intii uu maamulayay Guardiola, waxa ay City uruursatay 98 dhibcood waana tradii ugu badneyd ee dhibcaha Premier League, waxaa kaliya ka badan rikoor ay hore u dhigtay isla Man City.

Isagoo markii labaad oo isku xigta ku hogaamiyay City horyaalka, Guardiola ayaa noqonaya tababarihii seddexaad ee Premier League ee difaacda horyaalka ka dib Sir Alex Ferguson iyo Jose Mourinho.

Taas ayaan keentay in tababaraha City uu abaalmarinta ka qaaday tababaraha Liverpool Jurgen Klopp, kan Tottenham Mauricio Pochettino iyo macalinka Wolves Nuno Espirito Santo.

Sharaf ayay ii tahay inaan ku guuleysto abaalmarinta ayuu Guardiola ku yiri muuqaal uu duubay oo laga sii daayay cashadii xalay abaalmarinta lagu bixiyay.

Waxaan doonayaa inaan la wadaago ciyaartoydeyda sababtoo ah iyagoo farxashan u ah wax walba, shaqaalaheyga sababtoo ah waxaan la soo dagaalanay tababarayaal badan oo Premier League ah gaar ahaan Jurgen Klopp oo ilaa dhamaadkii nala tartamayay.