Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia oo kormeer ku tagay garoonka Istaadiyo Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Inj : Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisow ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka Istaadiyo Muqdisho, waxaana kormeerka ku wehliyay guddoomiye kuxigeenka dhanka arrimaha bulshada Basmo Caamir, guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Xasan Wiish, guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Nabada iyo kooxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia oo caassimada dalka soo gaartay todobaadkan kadib markii ay marti qaad ay ka heleen maaamulka gobolka.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa in dhallinayarada ay bartaan tuulada isboortiga dalka, ayaa lagu soo wareejiyay qaybaha uu ka kooban yahay garoonka sida kubadda, Kolayga , gacanta , dabaasha iyo kubadda cagta waxaana halkaas ka hadlay madaxda jaaliyadda oo horay garoonka ugu soo ciyaaray iyagoo matalayay heer gobol iyo heer Serie A waxayan xuseen qiimihii iyo sharafkii u lahaa waxayna ballan qaadeen in ay kan jaaliyad ahaan ka qeyb qaadan doonaan dhismaha iyo horumarinta garoonka.

Guddoomiyaha Gobolka oo goobta ka hadlay isla markaana ka mid ahaa ciyaartoydi barisamaadki kusoo ciyaartay garoonka istaadiyio Muqdisho ayaa sheegay in maamulka iyo Gobolka iyo Wasaaradda dhallinayrad iyo Isboortiga oo iskaashanaya ay howlo badan ka qabteen garoonka , wali wajigii koowaad oo qura uu soo idlaaday howlo badana ay harsan yihiin, waxuuna mahad celin usoo jeediyay dhammaan howl-wadeenada gobolka oo sida gaarka isaga xilsaaray dib usoo cleinta bilcdia uu garoonkan lahaa.

Dhalinuarada qurbaha ku dhashay oo ay u ahayd marki u horaysay oo ay garoonka fursad u helaan in ay arkaan ayaa wajigooda laga dheehan karay farxad iyo reynreyn waxayna muujiyeen in soo laabashadooda sanadka xiga in ay rajo wayn ka qabaan in ay garoonkan ku ciyaaaraan.Image may contain: 1 person, sky and outdoor

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, child and outdoor

Image may contain: 8 people, people standing and outdoor

Image may contain: 6 people, people standingImage may contain: 3 people, people standing, shoes, child and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, child, tree, sky, outdoor and natureImage may contain: one or more people, people standing, tree, sky, outdoor and natureImage may contain: one or more people, people standing, shoes, sky and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: sky, cloud and outdoorImage may contain: 1 person, sunglasses, hat and outdoor

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing, child and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing

Image may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 5 people, people smiling, outdoor

Image may contain: outdoor