Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kubad ku Cayaaraya Garoon kuyaala degmada Kaaraan

Guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Abdirahman Omar Osman (Eng. Yariisoow) ayaa xalay  Kubad la Cayaaray qaar kamid ah masuuliyiinta Maamulkiisa Cayaartaas oo u muuqatay mid dhoola tus u ah Go’aankii ay Al shabaab kaga mamnuuceen Garoomada yar ee Muqdisho in lagu Cayaaro.

Cayaartaan ayaa ka dhacday Garoon ku yaala degmada Kaaraan waxayna arrintaan Jawaab u tahay amarkii al-Shabaab ee Bulshada gobalka ugu goodiyeen inaysan Garoomada ku Cayaari karin taasoo Dhiira-galin u ah Dhalinyaradda Soomaaliyeed kana mid ah howlaha Is dhex-galka Bulshada ku dhaqan gobalka Benaadir.

Xarakada Al Shabaab ayaa dhawaan soo saaray amar ay kaga Mamnuucayaan dhalinyarada in ay ku Cayaaraan Garoomada ku yaala gudaha Xaafadaha amarkaas oo durba ka dhaqan galay Garoomada balse Gudoomiye Yiriisow iyo Maamulkiisa ayaa muujinaya in aan loo hogaansamin amarada Al shabaab.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com