Gudoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed (Cali Shino) Ayaa gaaray Jubbaland

Wafdi uu horkacayo gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shino) ayaa maalintii khamiista booqdeyn xarunta ay ku shaqeeyan Xiriirka Kubada cagta Jubbaland

Socdaalka wafdigaan ayaa ahaa u kuur galidda xaaladaha Sports-ka Jubbaland iyo dib udayactir lagu samen doono Garoonka kubadda cagta Waamo ee Magaaladda Kismaayo.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland Axmed Faarac Taqal (Tima JIlic) ayaa ka mahad celiyay Dardar gelinta iyo horumarinta arimaha Sports-ka ee xiriirka Soomaaliyeed ay ka wadaan Jubbaland

Cabdi Samad Sheekh Qaasim. oo kamid ah Xubin gudiga Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ka xiriir ahaan ay xoojin doonaan Horumarinta Sports-ka Jubbaland

Cali Cabdi Maxamed (Cali Shino) oo Warbaahinta lahadlay ayaa ka warbixiyay ujeedka Socdaalkiisa isagoona sheegay in ay la socdaan Engineero heer caalami ah oo ka socda FIFA kuwaa oo dib u casriyeen ku sameyn doona Tarbuunka qeeybta V.I.P Garoonka Waamo

Image may contain: one or more people, people sitting, living room, table and indoor

Image may contain: 1 person

Image may contain: 9 people, people standing and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people
Image may contain: 5 people, people smiling, people sitting
W/Q:Abdifitaxnani