Guul Daradii Brighton, Rajadooda 4 Sare, Kulanka Milan & Wenger Oo Hadlay Hadii Uu Niyad Jabay

Tababaraha Arsenal, ninka lagu magacaabo Arsena Wenger ayaa wuxuu ka hadlay guul daradii kaso gaartay kooxdiisa dhigeeda Brighton, taasoo kusoo daartay 2-1, ciyaar ka tirsaneed horyaalka Premier League

Wenger, oo wareysi gaar ah siiyay kadib ciyaartaan Idaacadda BBC Sport, ayaa wuxuu sheegay inay aad u adag tahay inay kasoo kabtaan wixii ku dhacay Isbuucii hore, inkastoo uu rajo wanaagsan muujiyay.

“Waxaan nahay kuwa mar walba si fiican ufikira, si kalsooni ay ku jirto ayaa uhalganay qeybta koowaad, waxaana bixinay qeybta labaadba jawaab wanaagsan,” ayuu Wenger cod dheer ku yiri.

“Waa mid aday tahay inay kasoo kabano wixii nagu dhacay Isbuucii lasoo dhaafay, waxaana hada usoconaa inaan galno waqti adag,” ayuu qiray.

Rajadooda afar sare ayuu ka yiri: “Waa mid aad u adag, ku dhawaad waa mid macquul ah hadda, waxaan nahay kuwa aad uga fog, waxaana ubaahanahay inay burburaan labo koox midkood.

“Laakiin, waqti xaadirkaan, waxaan ka walwalsanahay waxyaabo kale, kuwaasoo ay ugu horeyso inaan kusoo laabano wada guulaha.

Mar uu ka hadlay kulanka wareega 16-ka Europa League, ay kula balansan yihiin AC Milan ayuu yiri: “Waxaa muhiim ah inaan usoo kabano maskax ahaan iyo Jir ahaan, waxaan ahayn maanta kuwa aan xamaasadeys-neyn.

“Waxaan ubaahan ahay waxyaabo badan habeenka Khamiis [oo ay la dheelayaan AC Milan] waana arki doontaa wax walba oo dhaca,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Arsena Wenger, hogaamiyaha Gunners-ka.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com