Guushii Atletico, Goolkii Messi, Rajadooda La Liga & Valverde Oo La Dardaarmay Ciyaartoydiisa

Tababaraha Barcelona, ninka lagu magacaabo Ernesto Valverde, ayaa wuxuu ka hadlay guushii uga gaareen dhigooda Atletico Madrid, gurigooda Camp Nou ciyaartii ka tirsaneed La Liga, kuna soo dhamaatay 1-0.

Gool Laad-xur ah ahaa, kaasoo uu dhaliyay Lionel Messi, ayay Barcelona, guusha ku heshay, waxaana goolkaas uu yimid daqiiqadii 24aad ee qeybta koowaad, waxaana uu goolkaas ahaa kii 600aad ee Leo uu dhaliyay xirfadiisa oo dhan.

Sikastaba, Valverde, oo ciyaarta kadib uwaramay warbaahinta ayaa sheegay in guushaan ay muhiim utahay iyaga, islamarkaana wuxuu muujiyay sida uu ugu farax-san yahay inay lasoo hooyato kooxdiisa.

“Marka la joogo goobtaan oo kale, waa muhiim ah kulankaan,” ayuu Valverde ku jawaabay mar la weydiiyay waxa ay uga dhigan tahay guushaan loolanka horyaalka La Liga, ee wadanka Spain.

Ernesto Valverde

“Waxa na qabta mustaqbalka waa arki doonaa, laakiin hada talaabo wacan ayaan qaadnay sida iska cad, kani ma ahan mid gaba gabo ah, mana ahan Sideed dhibcood oo nadiif ah,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Wax walba waxay yihiin kuwa qoran, laakiin waxaan amaanayaa sidii aan garoonka uga jawaabnay xaaladaneehihii dhawaanahaan, waxaana nahay kuwa diyaar u ah inay sii wadnaan bandhiga noocaan ah.

Mar wax laga weydiiyay goolkii Laadka xurta ah ee uu dhaliyay Lionel Messi, ayuu yiri: “Messi mar walba waxaan ognahay inuu yahay mid diyaar u ah inuu caawiyo kooxdiisa waqtiyadaan oo kale, marka aad ayaan ugu farax-sanahay.

Gaba gabadii, Valverde ayaa wuxuu ugu baaqay ciyaartoydiisa in aysan isku digan guusha ay gaareen, islamarkaana ay sii wadaan bandhiga iyo guulaha ay kooxdooda usoo hoynayaan ayna mar walba si adag ushaqeeyaan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com