Guushii Milan, Bandhiga Kooxdiisa, Rajadooda Europa League & Wenger Oo Amaanay Ciyaartoydiisa

Tababaraha kooxda kubada cagta Arsenal, ninka lagu magacaabo Arsena Wenger ayaa wuxuu ka hadlay guushii weyneed oo ay xalayto kaga gaareen dhigooda AC Milan, groonkooda San Siro, taasoo ka tirsaneed lugta hore ee wareega 16-ka Europa League.

Gunners-ka, ayaa waxay kusoo kusoo badisay 2-0, waxaana goolashaan ay yimaadaan qeybta labaad, waxayna uga dhigan tahay tani faa’ido weyn, maadaama gurigooda uu dambeeyo lagu ciyaari doono lugta labaad ee wareegan.

Wenger, oo ciyaarta kadib wareysi siiyay Warbaahinta, islamarkaana ka hadlay guushaan ayaa sheegay inay ku farax-san yihiin inay ka baxaan dhibaatadii guul la’aanta ahayd ee haysata kulamadii ugu dambeeyay oo ay ciyaareen

“Tani waa guul aan uqalanay, maxaa yeelay waxaan ciyaarnay kubad waagasan si fiican ayaana ushaqeynay,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Wenger

“Waxa ugu muhiimsan waxay tahay Niyada ama Maskaxda, ciyaartoydana waxay muujiyeen in wali aysan niyad jabin,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Guushaan waxay nasiineysaa dhiiro gelin badan, waxaana diyaar unahay inaan sii wadno bandhiga noocaan ah si aan hadafkeena u gaarno,” ayuu raaciyay.

“[Europa League] waxaa iska cad inuu hada yahay muhiimada koowaad, maxaa yeelay ma jiro tartan kale oo aan fursad uhaysano inaan ku guuleysano, marka waan arki doonaa hadii ay qaadno isaga,” ayuu sii daba dhigay

“Milan ciyaartoydeeda kubad qurux badan oo weerar ah ayay soo bandhigeen, laakiin waxaan umaleynaya in aniga aan ahayn kuwa gacanta sare kulanka, laga yabaee inay naga kubad haysasho fiicnaayeen,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com