Hadii Ay Tabeen Leo, Bandhigii Dembele, Guushii Malaga & Coutinho Oo Arimo Xasaasi Ka Hadlay

Qof walba daawaday kulankii ay Barcelona garaacday kooxda Malaga, wuxuu qirayaa in Philippe Coutinho, uu yahay mid dhaxli kara booska ay macquul tahay inuu sanadka dambe faarujiyo Andres Iniesta.

Laacibkaan reer Brazil ayaa xalay dhaliyay Gool qurux badan, ciyaartii ay Malaga kusoo dhar-baaxeen 2-0, iyadoona ay xusid mudan tahay in goolkii furitaanka ee uu Luis Suarez dhaliyay uu qeyb ka qaatay.

Coutinho, oo ciyaarta kadib uwaramay warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in Malaga, ay si adag ushaqeysay, islamarkaana ay ku adkeed inay dhaliyaan goolal, inkastoo ay ku guuleysteen kulanka.

“Waxaan nahay kuwa ka fikiraya kulanba midka kasii dambeeya, sidaas darteeda, waxaan diirada saarnay [kulankii Malaga] inaan baasas sameyno oo aan wax badan kubada haysano,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Bandhigii Dembele mar uu ka hadlayey ayuu yiri: “Dembele waa ciyaaryahan dareen leh, kulankii aan wajahnay Malaga, wuxuu soo bandhigay marka fiicnaantiisa, wuxuuna udheelay si uu gool uhelo.

Hadii ay Messi tabeen ayuu ka yiri: “Messi, waa midka dunida ugu fiican, mar walba waa utabeynaa isaga, laakiin maanta waxaan wax xoogaa aan ka dhignay nolasha mid fiican, waana ku farax-sanahay.

Cunuga udhasay Leo Messi ayuu ka yiri: “Waan uhambalyeeynayaa isaga, wuxuuna ka dhigayaa nolashiisa mid fiican, hada waxaan filaynaa in kulanka soo socda uu noo noqdo mid diyaar ah, oo noo soo laabta.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com