Hadii Iniesta Uu Dheelayo, Halista Willian & Shirka Jaraa’id Ee Valverde Ka Hor Kulanka Chelsea Ee UCL

Tababaraha kooxda kubada cagta Barcelona, ninka lagu magacaabo Ernesto Valverde, oo uwaramay warbaahinta ka hor kulanka ay Chelsea ku qaabili doonan Camp Nou, ayaa ka hadlay xaalada Andres Iniesta iyo hadii uu xidigaan dheeli doono.

Kulanka labadaan kooxood ayaa wuxuu ka tirsan yahay lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League, iyadoona ay xusid mudan tahay in labadaan kooxood ay kusoo kala baxeen lugtii koowaad Bareejo 1-1 ah, taasoo lugta labaad adeeg ka dhigeysa.

Ciyaartaan oo habeenka Arbacada ah, laga baasan doono garoonka Camp Nou, marka ay saacadda soo dul-istaagto 22:45 oo caweysnimo ah ayaa natiijada iyo wax walba oo ku saabsan aad kala socon doontaa hadii uu ALLE raali ka noqdo Laacib.so.

“Waa kulan, kaasoo faah-faahinta aan ka bixin karno marka noocaan kale, uu yahay ay iska yar tahay, maxaa yeelay waa ay adag tahay inaad ka sii hordhacdo,” ayuu Valverde ku bilaabay hadalkiisa markii wax laga weydiiyay kulanka.

“Waxaan umaleynayaa in marka la eego sida ay hada tahay natiijada ay ufiican tahay inaga, sidaa darteeda waxaan ubaahan nahay inaan wax badan shaqeyno.

“Laakiin, waxaa iska cad inay noqon doonto mid aad u adag inaan daafacno shabaqeen, maxaa yeelay kulanka ayaa sidaas usamey-san.

Mar wax laga weydiiyay halista William ayuu yiri: “Waa ciyaaryahan, kaasoo aan si fiican uga taxadiri doono, maxaa yeelay waa mid awood u leh inuu sameeyo Laadad xoogan.

“Goolkii uu naga dhaliyay [lugtii hore] wuxuu u ahaa xur, sababtoo ah ma aysan jirin cid isaga ka fileysay inuu sidaan oo akle sameyn doono

“Waxaan oo dhan, waxaa sabab u ah qiyaasteyda, inuu ku jiro sanad ciyaareed fiican iyo waliba muuqaal ciyaareed wacan.

Xaalka Iniesta ayuu ka yiri: “Isaga waa ciyaaryahan furo noo ah, wuxuuna nala qaatay tababarka, marka waan arki doonaa hadii uu dheeli doono kulanka berri.

Ugu dambeyn, maamule Valverde, ayaa wuxuu talaabo geesinimo ah uu ku tilmaamay in Andres Gomez, uu dad-weynaha hortooda uu ku dhaleeceeyo nafsadiisa kadib markii uu sheegay inuu yahay mid aanan sidii loo baahnaa waajibaadkiisa uga soo bixin.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com