Hadii Lala Barbardhigi Karo Xavi, Xidiga Uu Ku Daysado & Arthur Oo Ka Hadlay Wax Qabadka Macalinka Barca

Arthur Henrique Ramos de Oliveira Melo, saxiixa cusub ee kooxda kubada cagta Barcelona oo wareysi siiyay Shabakada SPORT ayaa wuxuu sheegay in hadii lala barbardhigo Xavi Hernandez, uu u arko inuu yahay mid aad ugu farax-san.

“Xavi waa ciyaaryahan wayn, waxaana ogahay meesha aan kasoo bilaabay, waxaana wali hayaa waddo dheer, laakiin wali waxaan ahay mid yar, hadii lala bardhigo mid kamid ah macalimiinta kubada cagta, dhiiro-gelin ayay ii tahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Arthur ayaa wuxuu kaloo ka hadlay ciyaaryahanka uu ku daysado, islamarkaana uu wax badan uu ka bartay mudadii uu ka shoos shaqeynayay, isagoona ku tilmamaay laacibkii hore ee Inter Milano, wiilka lagu magacaabo Maicon.

“Maicon, wuxuu ahaa mid aan saaxiibo ku ahayn kooxdaan ee Gremio, waxaana bartay waxyaabo badan, wuxuuna ahaa saaxiib wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusii daray, laacibkaan ka tirsan xulka qaranka kubada cagta ee Brazil.

Dhanka kale, laacibkaan oo ka hadlay wax qabadka hogaamiyaha waqti xaadirkaan ee Ernesto Valverde ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay inuu hada yahay mid aanan waxba ka bedalin falsafadii kooxda, ayna wali Barca tahay midii la yaqiinay.

“Aniga ahaan, ma arko in Barcelona inay ka dhaqaaqday sidii hore, waxaana u arkaa sida ay tahay meesheedii hore – Waxay ila muuqdaan inay yihiin kuwa tayo leh, waxaana ay yihiin kuwa dhibaato badan kuu abuurayo marka aad la dheeleyso.

“Laakiin, waxay leeyihiin tayadooda ugu wanaagsan iyo xoogooda, sida kubad haysashadda – Ciyaartoyda sida Messi, Coutinho, Dembele iyo Suarez, kuwasoo kulanka bedali kara xaalad kasta uu ku jiro, waana sababta aan u doortay inaan kusoo biiro.

Ugu dambeyn, laacibkaan ayaa wuxuu xaqiijiyay in dhamaan xubnaha qoyskiisa oo ka kooban illaa iyo Saddex qofood kuwaasoo hadda ku nool halka la yiraahdo Porto Alegre, ay usoo raaci doonan Spain, marka uu usoo wareegayo Barcelona.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com