Hadii Mohamed Salah Lala Barbardhigi Karo Lionel Messi & Jurgen Klopp oo ka hadlay

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in Mohamed Salah uu u cayaaro si wanaagsan, laakiin aanan lala barbardhigin Lionel Messi ka dib markii uu afar gool ka dhaliyay Watford

Salah ayaa haatan ah gooldhaliyaha ugu sareeya shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub – waxaana uu ka sarra maray weeraryahanada Barcelona iyo Tottenham Lionel Messi iyo Harry Kane

Laakiin sida uu qabo Klopp, 25 jirkaan reer Masar ayaa kaliya wuxuu diirada saarayaa inuu si wanaagsan u cayaaro kulan kasta

“Uma maleynayo in Mohamed Salah uu doonayo in la barbar dhigo Lionel Messi” ayuu yiri tababaraha kooxda Liverpool oo la hadlay saxafada kadib guushii kooxdiisa

“Messi waxa uu sameynayaa waxa uu 20 sanno jirkiisii sameynayay, “Cayaartii ugu dambeysay waxa uu muujiyay inuu yahay xiddig lamid ah Diego Maradona

“Mohamed Salah wuxuu ku jiraa hab fantastik ah, taasi waa hubaal, sida had iyo jeer aad ogtihiin, waa midka ugu fiican halkaan, ayuu hadalkiisa raaciyay Klopp

Sagaal bilood oo kaliya, Salah ayaa 36 gool u dhaliyay Reds tartamada oo dhan, waxaana 28 kamid ah ay yihiin goolashiisa Premier League

Kabtankii hore ee Liverpool Steven Gerrard ayaa aaminsan “in bilowgii ugu fiicnaa uu kujiro Mohamed Salah Salah oo afar gool ka dhaliyay Watford

Waxay qaadatay afar daqiiqo kaliya in Salah uu furto goolashiisa Watford, isagoo jilbaha dhulka u dhigay daafaca Hornet Miguel Britos ka hor inta uusan ku tuurin kubada shabaqa.

Waxa uu si wacan u xusuusiyay dad badan goolkii Messi ka dhaliyay Bayern Munich semi-finalkii Champions League 2015kii, waqtigaasoo uu dhulka la simay Jerome Boateng

Salah ayaa ku qanacsan tayadiisa, isaga oo u mahad celiyay saaxibadiisa, waxaana uu sheegay in Jawi wanaagsan uu dareemayo waqtigaan.

“Mohamed Salah waxa uu ku jiraa qaab fantastik ah, waa hubaal” ayuu Klopp ku daray hadalkiisa.

“Qof kasta wuxuu jecel yahay inuu la ciyaaro isaga, isna wuxuu jecel yahay inuu la ciyaaro iyaga” Ayuu yiri Klopp u sheegay saxafiyiinta

Image may contain: 2 people, beard and text

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com