Hadii Uu Jiro Xidig Lala Barbardhigi Karo, Waxa Uu Uga Fiican Yahay & CR7 Si Cajiib Ah Isku Amaanay

Inkastoo ay jiraan ciyaaryahano badan oo dunida kubada cagta kusoo biiraya islamarkaana leh tayo wanaagsan, hadana Cristiano Ronaldo, wali ma arko ciyaaryahan ama qof isaga lamid ah islamarkaana lala barbardhigo shaqsiyadiisa.

Wuxuu isku arkaa inuu yahay mid leh Isteel ama qaab isaga gaar ah uuna uga duwan yahay laacibiinta ama xirfadleyda kale.

“Bilowgii, waxaan ku riyoon jiray inaan noqdo ciyaaryahanka aduunka ugu fiican,” ayuu Ronaldo ka yiri munaasabad xayeysiin oo Shirkada Nike ay leedahay.

“Saaxibadeyda maskaxda leh waxay soo fiiriyaa aniga, maxaa ka hadleysaa idinka?” ayuu hadalkiisa ku daray kabtanka qaranka Portugal.

“Waxaan udheelaa madadaalo, laakiin maskaxdeyda waxay wali tahay markii aan kasoo bilaabay Manchester,” ayuu sii daba dhigay CR7.

“Mar arko shaqsiyaad leh tayadeyda oo kale, daacadnimadeyda, shaqadeyda asluubeysan,” ayuu ku celceliyay ciyaaryahanka Los Blancos,

“Qofna leyma barbardhigi karo aniga, qofna uma socdo inuu noqdo Cristiano Ronaldo,” ayuu cod dheer ku sheegay Joog-dheeraha Madrid,

“Waa inaad nafsadaana aan noqotaa, aniga waxaan usocdaan inaan noqdo nafsadeyda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Cristiano Ronaldo.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com