Halista Camp Nou, Midka Fiican Leo-CR7 & Fabregas Oo Hal Arin Kula Taliyay Xidigaha Chelsea

Cesc Fabregas, ayaa wuxuu aaminsan yahay in Barcelona ay awood uleeyihiin inay ka ciribtiraan guud ahaan tartanka Champions League, marka ay Habeenka Arbacada kula dheelayaa lugta labaad ee wareega 16-ka, garoonka Camp Nou.

Lugtii hore labadaan naadi ayaa waxay ku heshiiyeen 1-1, markaasoo lagu dheelayey garoonka Galbeedka Magaalada London ku yaala ee Stamford Bridge, kaasoo ay leedahay naadiga Blues lagu naaneyso.

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal, ayaa wuxuu cod dheer ugu sheegay ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin inay adkeysi fiican ay yeeshaan, marka ay Camp Nou booqdaan, sababtoo ah in Barca ay wax badan daalin doonto.

“Camp Nou, waa garoon weyn, Barcelona iyada oo kaliya ayaa taqaan sida loogu guuleysto, maxaa yeelay waa garoonkooda,” ayuu Fabregas ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Majalada MARCA.

“Barcelona, waa mid kamid ah kuwa dunida ugu wanaagsan, waxaana ubaahan nahay inaan wax badan adkeysano marka aan la dheeleyno, maxaa yeelay waxay yaqaanan sida kubada loo haysto,” ayuu sii daba dhigay

Mar la weydiiyay hadii Barcelona ay ka ciribtiri karaan Champions League, ayuu ku jawaabay: “Waxaan haysanaa maskax iyo dareen aan Camp ugu bilaaban karin inagoo wax aan fiicneen rajayanaya.

“Sidaas darteeda, kubada cagta wax walba waa suuragal inay ka dhacaan, laakiin ma nihin kuwa wax aan wanaagsaneen rajaynaya, waxaan haysanaa fursado aan wax badan ku qaban karno,” ayuu kusii daray hadalkiisa

Fabregas oo la su’aalay midka wanaagsan Messi iyo Cristiano Ronlado ayaa wuxuu ku warceliyay: “Labaduba waa ciyaaryahan guuleystay, sidaas darteeda, waxaan u arkaa inay yihiin laacibiin wax badan sameyn kara.

“Sharaf ayay iitahay inaan garoon lasoo galay oo aan wada-dheelnay misana aan ka hortegay, waana uqirsanahay mid walba oo iyaga kamid ah waxa uu sameeyay, waxayan leeyihiin qiimayn fiican,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com