Halyaayadii Banooniga ee Qaramada Somaliya iyo Spain oo wada kulmeyn

Taariiqda dalkaan waa dhaxal awoowe oo mudan xasuus iyo xustid si uu ugu sii gudbo jilalka dambe .

Halyaagii kooxda Horseed iyo qaranka Somaliya Cafiif iyo Laacibkii Kooxda Barcelona Xavi Harnadez ayaa ku wada kulmay dalka Qadar .

WAA KUMA CAFIIF

Xasan Cafiif Yaxye oo lagu naaneysi jiray [ Faraska Cad] wuxuu ku dhashay (Mowshi) ee dalka Tansaaniya 1952 kii wuxuu ku barbaaray dalka Soomaaliya wuxuu ciyaarta kubbadda cagta ku soobiiray 1971 kii wuxuu u saftay Gobolka Kismaayo, wuxuu soo bandhigay ciyaar heer sare ah, durbadiiba waxaaloo magacaabay Xulka Qaranka sanadkii 1972kii, isla markiina wuxuu ciyaar caalami ah kaga hortagay dalaka Kenya, Burundi, iyo Uganda .

Waxa uu sidoo kale waqti wanagsan uu la soo qaatay kooxda Horseed isagoo la soo hooyay guul kala duwan .

Cafiif wuxuu ciyaaray (20) ciyaarood oo caalami ah wuxuuna ka soo ciyaaray dalalka Burundi, Tansaa­niya, Cadan, Kiinya, Zanzibaar, Masar iyoSuudaan, wuxuuna ka mid ahaa dhaliyayaasha dalka Soomaa­liya kuwa loogu jecel yahay.

wiil uu dhalay oo lagu magaaabo Akram Cafif ayaa hada u ciyaara dalka Qatar oo ah Marti galiyaasha koobka aduunka 2022 .

Akram Cafif ayaa noqon karo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee u dhashay Somaliya ee ka qeeb gala koobka aduunka sanada 2018 hadii xulkiisa u soo baxan halka sidoo kale uu cayaari doono koobka aduunka ee Qadar martigalin doonto .

W/Q:Mohamed Abdi Mudey

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com