Halyeeygii France Ee Christian Karembeu Oo Shaaciyay Kooxda Uu Doonayo Inay Xagaagan Hanato UCL

Laacibkii hore ee xulka qaranka Faransiiska ee Christian Karembeu ayaa aaminsan in Real Madrid ay mar kasta tahay murashax u taagan hanashada Champions League.

Balse, wuxuu si cad u sheegay inuu doonayo in fasal ciyaareedkan ay Barcelona ku guuleysato koobka koowaad ee ugu xiisaha badan Yurub iyo aduunka oo idil.

Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid ayaa tartankaan ku guuleystay sanadkii 1998-dii, isaga oo haatan taageero wayn u ah kooxda uu hogaamiyo Ernesto Valverde.

“Aniga waxaan jeclaan laha inay hanato Barcelona…sababta oo ah Valverde, kaasi oo shaqadiisu tahay mid fiican,” ayuu usheegay Sportium.

“Isaga waxa uu  haystaan koox wanaagsan….Balse, Real Madrid mar kasta waa murashax utaagan hanashada Champions League,” ayuu raaciyay.

“Shantii sano ee lasoo dhaafay iyaga [Real Madrid] waxay ku guuleysteen wax kasta…waxayna uhaystaan waayo aragnimo wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.