Halyeeygii Red Devils Ee Eric Cantona Oo Ka Hadlay Hadii Ay Man Utd Qaadi Karto Xagaagan EPL

Inkasta oo Jose Mourinho uu muujinayo rajo xumo, hadana halyeeygii hore ee Manchester United ee Eric Cantona waxa uu rajo wanaagsan ka qabaa inay Red Devils xagaagan hanan karto Premier League.

Kooxda lagu naaneeso Shayaadiinta Cas-cas ayaa lagu furayaa horyaalka xili ay wajahayaa dhigooda Leicester City, kuwaasoo sanado ka hor ku guuleystay EPL-ka, walina soo taagan.

Kulanka labadaan kooxood oo caawa oo Jimco ah laga baasan doono Qalcadda wayn ee Old Trafford 10:00 caweysnimo, hadii ALLE laga helo waxaad natiijadda kala socon doontaa Laacibsports.

Isaga oo ka hor kulankaas soo duubay fariin muuqaal ah, ayaa Eric Cantona waxa uu ugu baaqay ciyaartoyda Red Devils inay aaminaan nafsadooda, taasoo uu tilmaamay inay muhiim tahay.

“Dhamaadka isbuucaan waxaa bilaabaya Premier League, waxaana dheelaynaa kulankeena koowaad,” ayuu ku bilaabay.

“Waxaan aaminsanahay ciyaartoydeena waana inay nafsadooda aaminaan iyagana,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Waxaan haysanaa kalsooni aan sanad ciyaareedkan ugu guuleysan karno Premier League. Horey isoco Man United,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay laacibkii hore ee Manchester United.