Harry Kane Oo Ka Hadlay mustaqbalkiisa & Heegan Buuxa Galiyay Kooxaha Waa Weyn

Xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa sheegay in uu isaga tagi doonoTottenham mustaqbalka hadii uu dareemo in ayna kooxda horay u socon.

Kabtanka xulka qaranka England ayaa ka shaqaynaya sidii uu ugu soo laaban lahaa garoomada kadib markii uu dhaawac soo gaaray bilowgii xilli ciyaareedkan.

Bishii February waxa soo baxay warar sheegaya in uu xiddiga 26 jirka ah ka fikirayo in uu isaga tago kooxda Tottenham dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kane ayaa boga Twiitr-ka lagu waydiiyay in uu ka tagi doono kooxda waxana uu yidhi”Sida iska cad su’aalahn waxa la i waydiiyaa in badan laakiin ma odhan karo Haa, mana odhan karo maya, waan jecelahay Tottenham, mar walbana waan jeclaan doonaa”.
“Hadii aan dareemo in ayna kooxdu horumar samaynayn waxa aan qaadan doonaa go’aanka ila gudboon”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com