“Inkastoo Isla Gaabanahay, Aana Orod Badanahay, Messi Lama Mid Ihi”

Xidiga kooxda kubada cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa wuxuu cod dheer ku qirtay in Lionel Messi uu isaga yahay mid aad uga fiican, inkastoo ay isku muuqaal egyihiin.

Hazard, wuxuu daboolka ka qaaday in wax aan macquul ahayn ay tahay in ka ciyaaryahan ahaan lala bardhigo, xidig maalin walba gool dhalinaya.

“Ma jirto wado aan iskula barbardhigi karo Messi, waana mid aan macquul ahayn,” ayuu Hazard usheegay wariyaasha, ciyaaryahanka Blues.

“Xaqiiqo waxaa ah inaan sameyneyno waxyaabo caan ah – Labadeena waan gaabahanahay, waana orad badanahay, laakiin taasi ma ahan dhab ahaantii.

“Isla ekeysiinta ma ahan halkaan – wuxuu dhaliyaa goolal kulan walba, waana mid aan macquul ahayn inaan isla barbardhigno aniga,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Sikastaba, Een Hazard ayaa wuxuu hadalkaan usheegay war-fidiyeenka ka hor ciyaarta saaxiibtinimo, ee uu wadankiisa Belgium la dheelay Sacuudi Carabiya.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com