Hazard Oo Shaaciyay Sababta Uu U Doonayo Ka Tegitaanka Chelsea Iyo Aadista Real

Eden Hazard ayaa sheegay inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka laakiin uu ubaahan yahay inuu udhaqaaqo dalka Spain si uu ugu guuleysto Ballon d’Or.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea ayaa sheegay in inta lagu guda jiro Koobka Adduunka, “waxaa laga yaabaa inuu waqti u helo inuu wax ka duwanaado”, 27 jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid.

Hazard ayaa qandaraaskiisa Chelsea uu ka yaraa labo sano ka hor, waxaana uu sheegay horaantii isbuucaan inuu sheegay inuu qandaraas cusub u saxiixi doono Stamford Bridge ama inuu u dhaqaaqo Bernabeu.

Tobankii abaalmarin ee ugu danbeysay ee Ballon d’Or waxaa hantey xidig ku sugan dalka Spain, waxaana la weydiiyay hadii uu u baahan yahay inuu u dhaqaaqo si uu u tixgeliyo adduunka ugu fiican, ayuu yiri: “Taas waa sababta aan u doonayo inaan baxo.

Si kastaba ha ahaatee, mar cadaadis lagu saaray inuu ka fiirsanayo inuu ka tago Chelsea bisha Janaayo, wuxuu ku jawaabay: “Maya.

Hazard ayaa ku riyaaqay bilowga xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay sideed gool 10 kulan oo uu u saftay Chelsea, waxaana uu ku jawaabay “haa” markii su’aal laga keenay inuu ahaa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

Laakiin wuxuu qirtay inuu weli wanaajin karo, isagoo yiri: “Mar walba waad horumarin kartaa kubada cagta, hadafyo badan, caawinaad dheeraad ah.

“Kooxda waa ay i caawineysaa wax badan, laakiin waan sii wanaajin karaa, hubaal,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay laacibka Chelsea Lamberka 10aad uqaata Chelsea, wiilka lagu magacaabo Eden Hazard.