Heegan SC Vs Proline FC -Wax Ka Ogoow Kulanka ugu Xiisaha Badan

Kooxda Heegan fc ayaa maanta dheeli doonta kulankeeda labaad ee tartanka Cecafa Kagame Cup xili ay la balansan tahay naadiga dalkaUganda ee Proline FC.

Xiddigaha Heegan kulan ciyaareedkii ugu dambeyay waxey la soo kulmeyn guuldaro waxeyna ka soo gaartay kooxda Green Eagles FC taa oo ka dhisan dalka Zambia, xili naadiga Proline fc ay qasaaro 1-0 kala soo kulantay kooxda APR FC.

Tartankan Bariga iyo Bartamaha Africa waxaa sanadkan marti galinaya wadanka Rwanda xili ay ka qeyb galayan 16- kooxod oo kala duwan.

Kooxdan Proline fc ayaa sanadkii la soo dhaafay waxey ka ciyaareysay horyaalka heerka labaad ee dalka Uganda xili sanadka soo aadan ay qeyb ka noqoneyso kooxaha ka heerka koowad ee dalka Uganda (Uganda Premier League).

Ciyaartan waxaa si toos ah loogu daawan doona Tv-ga Azam Tv waxeyna soo gali doonta saacada markii ay tahay 2:00 duhurnimo.