Heshiis Laga Gaaray Xukun Maxkamadeed Oo Xabsi Uu Ku Muteysan Lahaa Ronaldo [Fahfaahin]

Cristiano Ronaldo ayaa xeer-ilaalinta dalka Spain waxa uu la galay heshiis, kaasoo hoos loo dhigayo ganaax lacageed oo ay ugu riday maxkamad ku taala wadanka Spain ee Qaaradda Yurub.

Ganaxaan waxaa uwehliyay Ronaldo xukun ah Labo sano oo xabsi ah, kaasoo hadda uu ku bedashay inuu bixiyo lacag.

Lacagta horey loogu ganaaxay waxay gaareysa 18.7 milyan oo Yuuroo, laakiin heshiiska cusub wuxuu dhigayaa in laga dhimo labo milyan.

Tani waxay macnaheedu tahay inuu bixin doono wixii haatan ka dambeeya 16.7 milyan , taasoo lagu dayno xukunka labada sano ee xabsiga ah.

Sida laga soo xigtay El Mundo, xitaa Ronaldo ma uusan geli lahayn xabsiga, maxaa yeelay sharciga Spain wuxuu dhigayaa in qofka uusan xabsi ugalayn hadii markii 1aad iyo in dambiga uu yahay mdi rabshadeed.

Sidoo kale, waxay sheegaysaa Jariiradaan in Cristiano Ronaldo uu horey ubixiyay qayb kamid tahay lacagta ganaaxa ah, taasoo dhan 13.4 milyan oo Yuuroo, ayna haatan u harsan tahay inta kale.

Sikastaba, Ronaldo ayaa wuxuu ka tegay Real Madrid, xili uu ku biiray Juventus ee dalka Talyaaniga, waxaana sababaha uu uga tegay Los Blancos la rumeysan yahay inay qayb ka tahay arrintaan.