Hooyada Dhashay Xidiga Real Ee Ronaldo Oo Fariin Layaab Leh U Diray Mucaaradka Wiilkeeda

Real Madrid, ayaa waxaa sare usoo kicitay Crsitiano Ronaldo, oo kusoo noqday bandhig ciyaareedkiisii fiicnaa tan iyo markii uu dhashay sanadkaan 2018.

Tani ayaa waxay keentay in hooyadiisa oo lagu magacaabo Dolores Aveiro, ay fariin udirtay dadka ay sheegeyso inay dhahayeen wuxuu ka fariisan doonaa kubada cagta maadaama uu 33-sano jir noqday, ayna da’da ka daba timid.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United, ayaa wuxuu dhaliyay 21 gool 13 kulan oo uu dheelay, isagoona cadaadis ku saaraya Messi iyo Suarez tartanka gooldhalinta ee La Liga.

Iyadoo ka jawaabaysa dhaleecaynta loosoo jeedinayay wiilkeedeeda ayey Dolores Aveiro soo dhigtay barteeda bulshada sawir soo jiidasho lahaa.

Sawirkaan ayaa waxaa kasoo muuqday Ronaldo oo udabaal-degaya gool uu dhaliyay, islamarkaana lugihiisa ku mashquulsan

“Hadda waxaad dhahdaa Cristiano wuxuu uga fariisan doonaa kubada cagta 33-sano jir,” ayaa laga soo xigtay qoraalka ay soo dhigtay bogeeda Instagram-ka.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com