Hordhac: AC Milan vs Arsenal – Miyuu Sii Socon Doonaa Habaarkii Guul La’aanta Ee Gunners-ka?

Kooxaha AC Milan iyo Arsenal, ayaa waxay isku fara-saari doonan caawa kulan ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka Europa League.

Labadaan kooxood, ayaa waxay yihiin kuwa sanadihii ugu dambeeyay aanan bandhig fiican ka sameyneyn qaarada Yurub, waxayna su’aashu tahay yaa badin doona.

Gunners-ka ma aysan fiicneen maalmihii lasoo dhaafay, halka Milan ay ahayd mid dib uhelaysay Isla-jaanqaadeeda wanaagsan ee garoonka.

Wararka Labada Koox

Ac Milan, ayaa waxay heleysaa saf ciyaareed dhamayestiran oo ka majiraan wax ciyaaryahano dhaawac ama shaki laga gelinayo.

Kooxda maclimuu Gennaro Gattuso ayaa waxay doonayaa in iyagoo jooga gurigooda ay faa’ido ka helaan Arsenal ay guul gaaraan.

Laakiin, Arsenal ayaa geesta kale, waxay tahay mid ay ka maqan yihiin ciyaaryahano badan, waxaana kamid ah: Lacazette, Nacho Monreal, Mkhitaryan, Aubameyang iyo kuwa kale.

Marka laga reebo Mkhitaryan iyo Aubameyang, kaasoo tartamada yurub horey United iyo Dortmund ugu soo dheelay dhamaan ciyaartoyda kale, waa kuwa dhaawac ah.

Shaxda Macquulka Ah

AC MILAN: Donnarumma | Rodriguez, Zapata, Bonucci, Calabria | Bonaventura, Biglia, Kessie | Silva, Cutrone, Suso

ARSENAL: David Ospina: Kolasinac, Koscielny, Mustafi, Bellerin| Xhaka, Wilshere| Ramsey, Ozil, Mkhitaryan | Welbeck

Si Kooban

Tartanka: Europa League

Kulanka: AC Milan vs Arsenal

Garoonka: San Siro

Saacadda: 21:00 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com