Hordhac: Arsenal v Sporting – Gunners-ka Oo Afar Jeer Oo Xiriir Ah Dubatay Kooxda Reer Portugal

Arsenal ayaa soo dhawayn doonta dhigeeda Sporting Lisbon si ay ula dheesho kulan ciyaareed ka tirsan Europa League, gaar ahaan heerkiisa Group-yadda, xili ay afar jeer oo xiriir ah ay ka badisay kooxa reer Portugal.

WARARKA LABADA KOOX

Guushaan ayaa Gunners u diri doonta wareegyada isreebreebka, halka barbar dhac ay sidoo kale ku filan tahay haddii Vorskla laga badiyo Qarabag.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahanka khadka dhexe Mohamed Elneny iyo daafacyada Laurent Koscielny iyo Konstantinos Mavropanos, halka Sokratis Papastathopoulos (canqawga) iyo Nacho Monreal (muruqa) ay shaki ku jiraan.

Sporting ayaa guuldarro ka soo gaartay Arsenal kulankoodii ugu dambeeyay, waxaana ay ku badiyeen guushoodii ugu sareysay group-kooda.

Tababaraha caruulka Tiago Fernandes ayaa ka maqan Rodrigo Battaglia, halka Stefan Ristovski iyo Rafinha ay ka walwalayaan kulankaan.

XAQIIQOOYINKA

Arsenal ayaa 1-0 kaga badisay Sporting seddexdii kulan ee ugu danbeysay, waana markii ugu horeysay ee labada kooxood ee tartanka UEFA ku tartamaya.

Sporting ayaa wajahday koox Ingiriis ah 22 jeer tartamada UEFA (W9, D3, L10).

Arsenal ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay kooxaha reer Portugal, waxaana ay dhaliyeen 17 gool iyagoo aan wax jawaab ah ka helin.

Sporting ayaanan shabaqeeda shabaqa ilaashin 30kii kulan ee ugu danbeysay oo ay marti ahaayeen.

SHAXDA MACQUULKA AH

ARSENAL: Leno; Lichtsteiner, Mustafi, Holding, Kolasinac; Ramsey, Guendouzi, Torreira; Mkhitaryan, Aubameyang, Welbeck.

SPORTING LISBON: Ribeiro; Ristovski, Coates, André Pinto, Acuña; Battaglia, Petrovic, Gudelj; Nani, Montero, Fernandes.