Hordhac: Arsenal vs AC Milan – Gunners-ka Oo Ay Ugu Cad-cad Inay Usoo Baxdo Wareega 8 Ee Eruopa League

Kooxda kubada cagta Arsenal, ayaa waxay caawa ay kusoo dhaweyn doontaa dhigeeda AC Milan garoonkeeda si ay ula dheesho kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka xiisaha iyo xamaasadda badan ee Europa League.

Gunners-ka ayaa waxay kulankii hore ay kusoo dar-dartay Milan 3-0, taasoo ka dhigeysa inay tahay mida ugu badan ee loo saadaalinayo inay usoo baxdo wareega xiga.

Laakiin, Milan oo ah koox si fiican loogu yaqaano tartamada Yurub, islamarkaana taariikh fiican ku leh, ayaa laga filan karaa wax walba, maadaama kubada cagta ay tahay mid Midabo badan leh, inkastoo mararka qaar ay awooda iyo tayada ciyaartoyda ay ku xiran tahay.

Wararka Labadda Koox

Wenger, hogaamiyaha kooxda reer London oo gurigeeda joogta ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inuu heli karo caawa saf ciyaaryahano ah, kuwaasoo dhameystiran.

Laakiin, ninkaan wadanka Faransiiska kasoo jeeda ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in uusan heli karin, laacibkiisa Alexandre Lacazette, kaasoo dhaawac ah.

Mascuud Ozil iyo ciyaartoyda kale, ee Arsenal kuwaasoo kulankii hore bandhig sare sameeyay ayay ubadan tahay inuu Wenger soo xulan doono.

Dhanka kale, kooxda AC Milan ayaa waxay ubadan tahay inay kusoo geli doonto si lamid ah kuwii ay garoonka kusoo gashay lugtii hore.

Andre Silva oo weerarka uga dheela kooxda Milan, kaasoo fakiyay kooxdiisa kulankii ugu dambeeyay oo ay horyaalka ka dheeleen ayaa kusoo bilaaban kara.

Leonardo Bonucci, oo ah wiilka kaliya ee la arki karo, inuu yahay midka ugu khabiirsan safka AC Milan, ayaa sidoo kale diyaar u ah inuu kooxdiisa metalo caawa si ugu yaraan ay guul uga soo qaataan Cariga dalka Ingiriiska, gaara ahaan London.

Shaxda Labada Koox

ARSENAL: Ospina, Kolasinac, Koscielny, Mustafi, Bellerin, Mid: Xhaka, Wilshere, Ramsey, Ozil, Mkhitaryan, Welbeck.

AC MILAN: Donnarumma, Rodriguez, Zapata, Bonucci, Calabria, Bonaventura, Biglia, Kessie, Silva, Cutrone, Suso.

Si Kooban

Tartanka: Europa League

Kulanka: Arsenal vs AC Milan

Garoonka: Emirates

Saacadda: 11:05 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com