Hordhac: Arsenal vs Watford – Wiilasha Wenger Oo Diyaar U Ah Inay Sii Wataan Guulaha

Kooxda kubada cagta Arsenal, ayaa waxay gurigeeda ku marti-qaadeysaa dhigeeda Watford, si ay ula dheesho kulan ka tirsan horyaalka xiisaha gooniga ah leh ee Premier League, ee dalka Inigiirka.

Ciyaartaan ayaa waxay Gunners, utahay inay guuleysato mid muhiim ah, maadaama kulamadii ugu dambeeyaya ay guul darooyin lasoo kulmayeen sidaas darteeda guulaha ayay rabaan inay sii wataan.

Wararka Labada Koox

Arsenal ayaa waxa aysan qabin kiisas badan oo dhaawacyo ah, kaliya ciyaaryahan Alexandre Lacazette, ayaa la hubaa inaan dhaawacan yahay.

Laakiin, waxaa shaki la gelinayaa inuu taam uyahay daafaca Spain udhashay ee Hector Bellerin, kaasoo aanan dheelin kulamadii dambeeyay.

Nacho Monreal oo dalabka midi gee daafaca ka dheel ayaa isana lamid ah, kaasoo la sheegayo inuu dhaawacan yahay.

Geesta kale, kooxda kubada cagta Watford ayaa heleysa ciyaaryahano muhiim ah, kuwaasoo ay Arsenal uga hortegi karto.

Dhamaan ciyaartoyda kala ah: Tom Cleverly, Craig Cathcart iyo Younes Kaboul, ayaa kusoo noqday tababarka si ay udheelaan kulankaan.

Laakiin, waxaa shaki laga gelinayaa inay dheeli koraan dhankeeda, ciyaartoyda kala ah: Gerard Deulofeu iyo Christian Kabasele.

Shaxda Macquulka Ah

ARSENAL: Cech| Chambers, Mustafi, Koscielny, Kolasinac, Xhaka, Wilshere, Iwobi, Ozil, Mkhitaryan, Aubameyang

WATFORD: Karnezis|Janmaat, Prodl, Mariappa, Holebas, Capoue Doucoure, Carrillo, Pereyra, Richarlison, Denney

Si Kooban

Tartanka: Premier League

Kulanka: Arsenal vs Watford

Garoonka: Emirates

Saacadda: 16:30 [Galabnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com