Hordhac: Atletico Madrid v Dortmund – Labada Koox Oo Isha Ku Haya Inay Xaqiijistaan Booska 16-ka

Atletico Madrid ayaa minankeeda waxay kusoo dhawayn doontaa dhigeeda Dortmund si ay ula dheesho kulan ka tirsan wareega Group-yadda ee tartanka Champions League.

Kooxahaan ayaa xusul-duub waxay ugu jiraan sidii ay uga soo bixi lahaayeen Group-kooda inay iska xaadiriyaan wareega 16-ka.

WARARKA LABADA KOOX

Atletico Madrid waxay wayneysaa gooldhaliyaheeda Costa, kaasi oo sababo ku aadan ku seegaya dheeshani.

Si lamid ah, waxaa shaki laga gelinayaa Gimenez iyo Godin, kuwaasi oo ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan naadigaan reer Spain.

Dhanka kale, Dortmund waxa aysan heli doonin magacyo ay kamid yihiin Diallo, Götz, Piszczek iyo Schmelzer, kuwaas oo dhaawacyo kala duwa qaba.

SHAXDA MACQUULKA AH

ATLETICO MADRID:  Oblak – Juanfran, Savic, Hernandez, Filipe Luis – Koke (c), Thomas, Saul, Lemar – Martins, Griezmann

DORTMUND: Bürki – Hakimi, Akanji, Zagadou, Guerreiro – Witsel, Delaney – Sancho, Reus (c), Bruun Larsen – Alcacer