Hordhac: Barca vs A. Bilbao – Bluagrana Oo Xusul Duub Ugu Jirta Inay Dheereysato Hogaanka La Liga

Kooxda kubada cagta Barcelona, ayaa waxay garoonkeeda Camp Nou, ay kusoo dhaweyn doontaa Maqtibnimada maanta oo Axad ah dhigeeda Atletico Bilabo, si ay ula dheesho kulan ka tirsan horaalka La Liga, ee wadanka Spain.

Bluagrana ayaa waxay kulankaan dooneysaa inay kusii xaqiijisato in sanad ciyaareedkan uu horaalka gacanteeda ku jiro, maadaama ay hada Liijaanka uhayso, islamarkaana ay leedahay 72 dhibcood oo ah farqi aad u weyn.

Ernesto Valverde, hogaamiyaha Barcelona, ayaa wuxuu marti qaadayaa kooxdiisii hore, isagoona diyaar u ah inuu mar kale cagta mariyo, maadaama kulankii hore oo ka dhacay San Memas uu guul soo gaaray, laakiin Bilbao ayaa nan dab-yar shideen.

Image result for Barcelona vs Bilbao

Wararka Labada Koox

Barcelona ayaa waxaa kulankaan ka maqan labo kamid ah ciyaartoydeeda ugu muhiimsan, kuwaasoo kala ah: Luis Suarez oo ganaaxan iyo waliba Sergio Basquets, oo dhaawac garoomada uga maqnaan doona Saddexda Isbuuc ee soo aadan.

Yerry Mina, ayaa wuxuu kasoo muuqday liiska ciyaartoyda Barce metalaysa ciyaartaan, sidaas si lamid ah Osman Dembele, oo bandhig qurux badan sameeyay labadii kulan ee ugu dambeysay ayaa wuxuu kasoo muuqday Liiskaas.

Coutinho, Iniesta, Messi iyo magacyo kale ayaa kasoo muuqday, waxayna umuuqataa mid ay kusoo wada bilaaban doonan, maadaama bartamaha Isbuucan uusan jirin doonin ciyaaro saaxibynimo oo dhici doona, maadaama kulamada xulalka la aadi doono.

Valverde ayaa waxay ubadan tahay inuu kusoo wada bilaabi doono Waaxda weerarka ciyaartoyda kala ah: Lionel Messi, Coutinho iyo Osman Dembele, maadaama uu ganaax ciyaartaan ku maqnaan doono Luis Suarez.

Dhanka kale, kooxda kubada cagta Atletico Bilbao ayaa waxay heleysaa kulankaan af ciyaaryahano oo bad-qaba, iyadoona uusan jirin ciyaaryahan dhaawac uga maqan ama shaki laga gelinayo, taasoo ka dhigan inay Barca taam uyihiin.

Shaxda Macquulka Ah

BARCELONA: Ter Stegen|Roberto, Pique, Umtiti, Alba, Coutinho, Rakitic, Paulinho, Iniesta, Dembele, Messi

ATHLEITC BILBAO Arrizabalaga|Lekue, Nunez, Inigo Martinez, Saborit, Etxebarria, Iturraspe, Susaeta, Raul Garcia, Cordoba, Williams

Si Kooban

Tartanka: La Liga
Kulanka: Barcelona vs Athletic Madrid
Garoonka: Camp Nou
Saacadda: 18:15 [Maqribnimo, Waqtiga Geeska Afrika]
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com