Hordhac: Barcelona vs Lyon- Blaugrana Oo Ka Awood Badan Lyon Kulamada Camp Nou.

Kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku marti galin doonta Naadiga Lyon kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Labada Naadi ee Barcelona iyo Lyon ayaa u siman u gudbida wareega xiga kadib bar-barihii labada kooxood ku kala bexeen lugtii hore.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyada oo niyada ku haysa lama filaankii ka dhacay tartanka iyaga oo waliba si weyn uga taxadarnaan doona.

Kulanka: Barcelona Vs Lyon

Tartanka: Champions League

Saacad: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou