Hordhac: BATE Borisov v Chelsea – Labada Koox Oo Isha Ku Haya Inay Iska Xaadiriyaan Wareega Xiga

Kooxda dheesha Premier League ayaaa u martin doonta dhigeeda BATE Borisov si ay ula dheesho kulan ka tirsan tartanka Europa League, gaar ahaan heerkiisa Group-yadda lugta labaad.

WARARKA LABADA KOOX

Kooxda reer Belarus ayaa leh laba qof oo mudo dheer maqnaa, iyada oo Vladislav Malkevich iyo Vladislav Mukhamedov ay labaduba dhaawacmeen.

Kooxda Baha ayaan wali ku badinin afar kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaaraan garoonkooda xilli ciyaareedkan, waxaana martigalinta Chelsea ay ku adkeyneysaa inay seddex dhibcood helaan.

Eden Hazard ayaa u safray Belarus inkastoo uusan u badneyn inuu ciyaaro 90 daqiiqo, isagoo ka soo kabsaday dhaawac.

Olivier Giroud ayaa taam u noqon doona inuu ku laabto Blues ka dib markii uu seegay kulankii Premier League ee ay guusha ka gaareen Crystal Palace.

SHAADAASHA KHABIIRADA: 0-3 Chelsea

SAFAFKA MACQUULKA AH

BATE: Scherbitski, Rios, Filipovic, Filipenko, Valadzko, Baha, Drahun, Hleb, Skavysh, Sihnevich, Stasevich.

CHELSEA: Kepa, Zappacosta, Cahill, Christensen, Emerson, Kovacic, Fabregas, Loftus-Cheek, Pedro, Giroud, Willian.