Hordhac: Besiktas vs Bayern Munich – Kooxda Reer Germany Oo Lug Kula Jirta Sideed Dhamaadka CL

Kooxda kubada cagta Besiktas, ee ka dhisan wadanka Turkiga ayaa waxay caawa ku marti qaadi doontaa dhigeeda Bayern Munich gurigeeda ama garoonkeeda si ay ula dheesho kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka koobka Champions League.

Kooxda reer Germany ee Bayer ayaa waxay haystaa faa’ido weyn, maadaama lugtii koowaad ay ugu soo awood sheegteen kooxda ay ka horjeedaan 5-0.

Tani ayaa ka dhigeysa in Bayer ay ugu cad-cadahay usoo bixitaanka wareega Sideed dhamaadka Champions League, hadii aysan mucjiso sameyn wiilasha reer Turki, taasoo Fajac iyo Qosol Giriir ku ridi karta Jamaahiirta Jarmalka kasoo safray.

Image result for Besiktas vs Bayern Munich

Wararka Labada Koox

Besiktas, ayaa waxay qabtaan Kiisas badan oo dhaawacyo ah, waxaana kulankaan ka maqnaan kara ku dhawaad afar ciyaaryahano.

Antic Nukan oo maqan tan iyo bishii Julaayo ee sanadkaan – Gokhan Tore iyo Veli Kavlak, oo shaki laga gelinayo kadib dhaawac soo gaaray bishaan Maarso.

Pepe oo isana Jabniin soo gaaray ciyaartaan umaqnaan doona iyo waliba Domagoj Vida, kaasoo ganaax ku seegi doona Dheesha adag.

Dhanka kale, kooxda Bayern Munich ayaa waxay ubadan tahay inay nasiino ay siin doonto qaar kamid ah ciyaartoydeeda ugu muhiimsan, maadaama lugtii koowaad ay shaqeysteen.

Laakiin, waxaa jira ciyaaryahan dhaawac ku seegi doona, waxaana kamid ah James Rodriguez, kaasoo dhibaato dhanka Lugta ah qaba.

Goolhaye Manuel Neuer ayaa wuxuu la dhibtoonayaa dhibaato dhanka garabka ah tan iyo bihsii September ee sanadkii hore, mana ciyaari doono kulanka caawa.

Sidoo kale, xidiga garabka bidix ee weerarka ka dheela ee Kingsley Coman ayaa seegi kara kulanka, halka Corentin Tolisso uu isana Lafo xanuun uusan diyaar ugu noqon karin ciyaartaan inuu daafaco kooxdiisa Bavarian-ka lagu naaneyso.

Shaxda Macquulka Ah

BESIKTAS: Fabri, Adriano, Tosic, Medel, Gonul, Quaresma, Hutchinson, Talisca, Arslan, Lens, Negredo

BAYERN MUNICH: Ulreich – Alaba, Hummels, Boateng, Kimmich – Bernat, Alcantara, Vidal, Ribery – Muller, Lewandowski

Si Kooban

Tartanka: Champions League

Kulanka: Besiktas vs Bayern Munich

Garoonka: Vodafone Park

Saacadda:  19:00 [Fiidnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com