Hordhac: Chelsea vs Crystal Palace – Miyay Blues Kasoo Kaban Kartaa Jabkii Soo Gaaray Dhawaan?

Kooxda kubada cagta Chelsea, ayaa waxay soo dhaweyn doontaa dhigeeda Crystal Palace si ay ula ciyaarto kulan ka tirsan Premier League.

Kooxda daafacaneysa horyaalka EPL-ka dalka UK, ayaa wuxuu kulankaan ugu oo beegmayaa iyadoo ciyaarihii lasoo dhaafay ay Gacaysay mar ay kufeysa.

Sikastaba, hada waxay doonayaa inay kasoo laabtaan natiijooyinkii liitay oo ay soo hoyneysay kulamadii ugu dambeeyay, iyagoona taasi hada diirada saaraya.

Image result for Chelsea vs Crystal Palace

Wararka Labada Dhinac

Macalin Conte oo xaqiijiyay in ciyaaryahan Kante uu ku hor-suuxay ciyaartoydiisa xili tababarka ay wada joogeen ayay macquul tahay inuu wiilkaan kusoo bilaabo safkiisa koowaad caawa oo Sabti ah.

Laakiin, waxaa nan la filayn inuu dookha koowaad noqon karo weerar yahanka dalka Spain ee Alvaro Morata, maadaama xidigaan uusan bandhig qurux badan sameynin kulamadii ugu dambeysay oo uu garoonka soo galay.

Eden Hazard, Willian iyo ciyaartoy kale, oo Chelsea udheeshay kulankii Man City ay khasaaraha 1-0 ay kala kulmeen ayay ubadan tahay inuu macalinka Talyaaniga udhashay ee Conte uu garoonka keeno.

Geesta kale, kooxda kubada cagta Crystal Palace, ayaa waxay heli kartaa saf ciyaartoy oo xoog badan, kuwaasoo ay ku wajahdo Blues, waxaana usoo noqday laacibkeeda Zaha oo mudooyinkii dambe dhaawacnaa.

Si Kooban

Tartanka: Premier League

Kulanka: Chelsea vs Crystal Palace

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 20:30 [Fiidnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com