Hordhac: Eibar vs Real Madrid – Wiilasha Zidane Oo Ay Ka Go’an Tahay Inay Sii Wadataan Guulaha

Kooxda daafacaneysa horyaalka wadanka Spain ee Real Madrid, ayaa kulan xiiso leh waxay la ciyaari doonan dhigooda Eibar.

Madrid ayaa waxay dooneysaa inay sii wadato guulihii ay gaareysay ciyaarihii lasoo dhaafay, oo ay ugu dambeysay kooxda PSG, ooay UCL ka reebeen.

Laakiin, Eibar ayaa waxay tahay mid aanan dab yar-shideen waxaana kooxdaan ay tahay mid mararka qaarkood ku dhegta kooxaha waa weyn.

Image result for eibar vs real

Wararka Labada Koox

Macalin Zidane ayaa wuxuu kulankaan heli karaan ciyaaryahano waa weyn, kuwaasoo uu kaga hotego kooxda kasoo horjeeda.

Luka Modric iyo Toni Kroos ayaa diyaar u ah inay wajahaan kooxdaan, kadib markii ay dhaawac kasoo laabteen ciyaartii PSG.

Bale, Benzema iyo Ronaldo ayaa safka koowaad noqon kara, maadaama weerar yahanka reer Wales uu keydka soo fariistay kulankii ay garaaceen kooxda reer France,  markaasoo ay 2-1 ay indhaha kasoo geliyeen.

Geesta kale, kooxda kubada cagta Eibar ayaa waxay heli kartaa ciyaaryahano waa weyn, oo ay kaga hortegto murqaweynta Spain, waxaana jirin wax ciyaaryahano cusub, kuwaasoo Kiisasd dhaawac laga soo wariyay.

Shaxda Macquulka Ah

EIBAR: Dmitrovic: Arbilla – Lomban – Junca – Jose Angel, Diop – Dani Garcia, Pedro Leon – Joan Jordan – Inui, Charles

REAL MADRID: Navas: Carjaval – Nacho – Ramos – Hernandez, Kroos – Casemiro – Modric, Bale – Benzema – Ronaldo

Si Kooban

Tartanka: La Liga

Kulanka: Eibar vs Real Madrid

Garoonka: Ipurua Municipal Stadium

Saacadda: 15:00 [Galabnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com