Hordhac: Everton vs Manchester City

Kooxda ugu cad-cad inay ku guuleysato xagaagan tartanka Premier League ee Man City ayaa waxay caawa ay gurigeeda ku booqan doontaa Everton si ay ula dheesho kulan xiiso leh.

Everton oo maalaha dhexe fadhisa ayaa dooneysa inay noqoto midka guul ka qaadata, maadaama kulankii hore oo ay Etihad kuwada dheeleen uu bareejo kusoo dhamaday.

Laakiin, Sky Blues ayaa waxay diyaar utahay inay guusha ay qaadato si ugu yaraan kulanka Manchester Derby ay horyaalku ugu guuleysato.

Wararka Labadda Koox
Everton, ayaa waxaa kulankaan ganaax uga maqnaan doona Ashley Williams, sidaasi si lamid ah waxaa dhaawac ku maqan doona ciyaartoyda kala ah: Gylfi Sigurdsson, Idrissa Gueye, James McCarthy iyo Mason Holgate oo shaki laga gelinayo.

Manchester City, ayaa waxaa dhaawac uga maqnaan doona Sergio kun Aguero, laakiin waxaa dib dhaawac dheer uga soo laabtay daafaca xulka qaranka Faransiiska, wiilka lagu magacaabo Benjamin Mendy.

Shaxda Macquulka Ah
EVERTON: Pickford; Coleman, Keane, Jagielka, Baines; Davies, Schheiderlin, Walcott, Rooney, Bolasie; Cenk Tosun

MAN CITY: Ederson; Walker, Kompany, Otamendi, Delph, De Brunye, Fernandinho, Silva, Sterling, Jesus, Sane

Si Kooban

Tartanka: Premier League

Kulanka: Everton vs Man City

Garoonka: Goodisan Park

Saacadda: 19:30 [Fiidnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com