Hordhac: Inter Milan v Barcelona – Labada Koox Oo Champions League Ku Kulmaya Markii Sideedaad

Kooxda Talyaaniga ka dhisan ayaa soo dhawayn doonta dhigeeda reer Spain si ay uwada dheelaan kulan ka tirsan heerka Group-yadda ee tartanka xiisaha iyo xamaasada badan ee Champions League.

Dheeshani oo ah lugta labaad, waxaa tii koowaad oo ka qabsoontay qalcadda Camp Nou, waxaa 2-0 ku badisay camaaliqada La Liga.

WARARKA LABADA KOOX

Asamoah iyo Icardi ayaa labadoodaba ku soo laabanaya ka dib markii la nasasiiyay kulankii ay la yeesheen Genoa.

Guud ahaan, kaliya 2 isbeddel ayaa ku yimid kow iyo toban ciyaartoy oo Genoa ku garaacday, taasoo ka dhigan inay qeyb ka tahay caafimaadka badeecada ee kooxda Inter.

Inkastoo ay safarka ku soo laabanayaan AC Milan, ma ahan inay u muuqato in Lionel Messi uu ciyaari doono marka uu ka soo kabsado dhaawac gacanta ah.

Dembele iyo Arturo Vidal ayaa labadoodaba la nasasiiyay dhamaadkii Isbuuca, sidaasi darteed labadoodaba waa inay ku soo laabtaan 11ka kooxood ee ugu sareeya, Rafinha iyo Arthur.

SHAXDA MACQUULKA AH

INTER MILAN: Handanovic, D’Ambrosio, Skriniar, de Vrij, Asamoah, Brozovic, Gagliardini, Nainggolan, Perisic, Politano, Icardi.

BARCELONA: Ter Stegen, Roberto, Pique, Lenglet, Alba, Sergio  Busquets, Ivan Rakitic, Vidal, Dembele, Coutinho, Luis Suarez.