Hordhac: Juventus v Man Utd – Red Devils Oo Aargudasho U Socoto Xili Marwada Duqda Ay Guul Rabto

Waa kulankii 14aad ee dhex-mara labadaan naadi, kaasi oo ka tirsan tartamada Yurub xili lugtii koowaad ay 1-0 kusoo badisay Marwada Duqda.

Manchester United iyo wiilasheeda oo uu wehliyo Jose Mourinho ayaa xusul-duub ugu jira inay helaan saddexda dhibcood.

WARARKA LABADA KOOX

Max Allegri ayaa xaqiijiyay in Mario Mandzukic uu taam u yahay islamarkaana uu ku soo laabanayo kulankan. Douglas Costa, Emre Can iyo Bernardeschi ayaa dhamaantood seegi doona halka Blaise Matuidi laga yaabaa in lagu nasiyo.

Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in Romelu Lukaku uusan taam u noqon doonin kulankaan. Antonio Valencia ayaa ku soo laabtay kooxda ka dib markii uu dhaawac soo gaaray.

XAQIIQOOYINKA

Tani waa kulankii 14aad ee Yurub ee dhexmara Juventus iyo Manchester United.

Cristiano Ronaldo ayaa goolal ka dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeysay Champions League.

Manchester United ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso labadii kulan ee ugu dambeysay Champions League.

Saadaasha khabiiradda: 2-1

SAFAFKA MACQUULKA AH

JUVENTUS: Szczesny, De Sciglio, Bonucci, Benatia, Sando, Pjanic, Matuidi, Bentancur, Bernadeschi, Dybala, Ronaldo

MAN UNITED: De Gea, Dalot, Smalling, Bailly, Shaw, Matic, Pogba, Fred, Sanchez, Martial, Lukaku