Hordhac: Juventus vs Atletico Madrid -CR7 Oo Soo Laabtay Oo Guul U Baahan

Kooxda Juventus oo goor hore iska xaadirisay wareega 16-aad ee koobka horyaalada yurub ayaa caawa soo dhaweyneysa Atletico Madrid oo u baahan iney xaqiijiso usoo bixitaanka wareega xiga, waxeyna cadaadis kala kulmi kartaa Bayer Leverkusen hadii ay kulanka Lokomotiv Moscow badiso.

Balse si kastaba Atletico Madrid waxaa ku filan saddex dhibcood oo ay ka hesho marwada duqda ah, weyna kaga filan tahay iney wareega xiga iska xaadiriso.

Labadaan kooxood kulankii ay ku ciyaareen Wanda Metrapolitano wuxuu kusoo dhamaaday 2-2, xiddiga reer Mexico Hector Herrera ayaana daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta dhaliyay gool qalbi jabiyay jamaahiirta Bianconerri.

Hordhaca: Juventus vs Atletico Madrid

Garoonka: Juventus Allianz

Saacada: 11:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Anthony Taylor (England)

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com